Warbixin ku saabsan Wakaaladda Tacliinta Sare iyo Jaamicadaha Iswiidhan
Bogga Internet ee Wakaaladda Tacliinta Sare hsv.se
hsv.se waxa weeye bogga Internet-ka ee Wakaaladda Tacliinta Sare. Waxaa halkaa laga helayaa warbixino buuxa oo ku saabsan arrimaha jaamicadaha Iswiidhan. Waxaa ka mid ah arrimaha halkaa looga hadlayo hawlaha Wakaaladda Tacliinta Sare, habka jaaamicadaha iyo kulliyaduhu u shaqeeyaan, sharciyada iyo xeerarka lagu maamulo jaamicadaha iyo qiimaha shahaadooyinka waxbarashada dibedda. Waxaa kaloo bogga lagu soo bandhigaa tirakoobkii ugu dambeeyey ee jaamicadaha. Dhammaan qoraalada Wakaaladda Tacliinta Sare oo ay ka mid yihiin warbixinaha iyo go'aamada waxaa iyana lagu soo bandhigaa boggaan Internet-ka. hsv.se wuxuu ku qoran yahay afka Iswiidhishka. Halkaan waxaa laga heli karaa warbixin af-Soomaali ku qoran oo ka hadlaysa jaamicadaha Iswiidhan.
Jaamicadaha Iswiidhan
Dalka Iswiidhan waxaa hawlaha jaamicadaha mas'uul ka ah maamulka qaranka. Waxaa xeerarka lagu dhaqayo iyo maalka loo qaybinayo go'aamiya baarlamaanka iyo dowladda.Laakiin jaamicadaha iyo kulliyaduhu waxay iyagu leeyihiin maamullo u gaar ah. Taas micneheedu waxa weeye in ay iyagu go'aan ka gaaraan sida hawlahoodu u socdaan. Ma jira farqi weyn oo u dhexeeya jaamicad iyo kulliyad. Dhammaan jaamicadaha iyo kulliyadaha badankooda waxaa iska leh qaranka. Jaamicad waxaa kolka waxbarashada aasaasiga ah la dhammaysto mar walba la sii wadan karaa waxbarasho takhasus. Kulliyadahase sidaas mar walba lagama heli karo.
Hawlaha ay qabato Wakaaladda Tacliinta Sare
Qiimeynta waxbarashooyinka
Wakaaladda Tacliinta Sare waxay ilaalisaa oo sugtaa qiimaha waxbarashada iyo cilmi-baarista jaamicadaha iyo kulliydaha Iswiidhan. Xoojinta ammaanka sharciga
Wakaaladda Tacliinta Sare waxay dusha ka ilaalisaa jaamicadaha. Taas micneheedu waxa weeye in ay kormeer ku sameyso jaamicadaha oo hubiso in sharciyada iyo xeerarka raacaan. Taasna waxay saameeyaan kolka dowladdu ama iyadoo iskeed isu xilsaarto ama uu qof caadi ahi dacwo soo gudbiyo. Hawl kaloo aad muhiim ahina waxa weeye in la sugo in ardayda hab sharciga waafaqsan loo la dhaqmay.
Dabagal, baaritaan iyo lafagur
Wakaaladda Tacliinta Sare waxaa xil ka saaran yahay ururinta tirakoobka jaamicadaha. Waxay kaloo Wakaaladda Tacliinta Sare baartaa hawlaha jaamicadaha si ay warbixin ugu soo gudbiso baarlamaanka iyo dowladda ay hadhow go'aamadooda qiimeyntooda ugu saleeyaan. Iyadoo baaritaamo iyo lafagur sameyneysa ayey waxay kordhisaa aqoonta habka tacliinta sare. Ka warbixinta waxbarashooyinka jaamicadaha
Wakaaladda Tacliinta Sare waxaa xil ka saaran yahay ka warbixinta iyo dhiirrigelinta waxbarashooyinka jaamicadaha. Waxaa taas ardayda warar loogu soo bandhigaa bogga Internet-ka studera.nu. Halkaas oo laga helaayo warbixino ku saabsan waxbarashooyinka jaamicadaha, kaalmada ardayda, sida araajida ardayda loo maamulo, u qalmidda tacliinta sare, waxbarashooyinka dalalka kale iyo waxyaalo kaloo dheeraad ah. Warbixino khuseeyaa ardayda ajnebiga ah oo doonaya in ay Iswiidhan wax ku bartaan waxaa laga helayaa bogga Internet-ka ee Machadka Iswiidhan studyinsweden.
Qiimeynta waxbarashada ajnebiga
Qofka wata shahaado uu dibedda kala yimid waxaa waxbarashadiisa u qiimeynaya Wakaaladda Tacliinta Sare. Waxay Wakaaladda Tacliinta Sare go'aamisaa heerka shahaadada ajnebigu ugu dhiganto imtixaanada Iswiidgan. Waxbarashooyinka jaamicadaha qaarkood waxay siiyaan xirfado lagu qoddeeyey xeerarka Iswiidhan. Kuwaasna waxaa qiimeeya hay'ado kala duwan.
Hoos waxaa ku qoran hay'adaha maamula xirfadahaas la qoddeeyey.
| Garyaqaan
|
Sveriges Advokatsamfund
|
| Barayaasha dugsiyada dowladda
|
Högskoleverket
|
| Farsamayaqaanka diyaaradha
|
Luftfartsverket
|
| Xisaabiyeyaasha handhawrka
|
Revisorsnämnden
|
| Madaxda gurmadka, ilaalada dabdamiska
|
Räddningsverket
|
| Injiyeerada gaadiidka badda, madaxa maraakiibta, naaxuudaha heerka II-VIII, farsamayaqaanka gaadiidka badda heerka II-VI
|
Sjöfartsverket
|
| Farmashiiste, dhaqanceliye bukaan, jabaqyaqaan, ummuliso, baare daawo, nafaqayaqaan, aqoonyahanka codka iyo hadalka, dhakhtar, aqoonyahanka muraayadaha indhaha, dhakhtarka sameeya qalabka jirka lagu rakibo, aqoonyahanka cilminafsiga, kalkaaliye raajoqaade ah, dhaqanceliye bukaan, aqoonyahan isbitaal, kalkaaliye caafimaad, kalkaaliye caafimaad oo takhasus leh, hawlwadeenka xafiiska soodhoweynta isbitaalka, aqoonyahanka fayadhawrka ilkaha, dhakhtarka ilkaha, kalkaaliyaha dhakhtarka ilkaha
|
Socialstyrelsen
|
| Dhakhtarka Caafimaadka Xoolaha
|
Jordbruksverket
|
| Baraha Baabuurwadidda
|
Vägverket
|
Warbixin ku saabsan waxbarashooyinka jaamicadaha oo afaf kale ku qoran
Bogga Internet-ka ee Wakaaladda Tacliinta Sare ee hsv.se waxaa laga helayaa qoraal la soo koobay oo af-Ingiriisi ku qoran engelska. Buugga Wakaaladda tacliinta Sare oo lagu magacaabo "In Jaamicad wax lagu barto" waxaa laga akhrisan karaa warbixino dheeraad ah oo ku saabsan sida jaamicadaha Iswiidhan u shaqeeyaan. Waxaa kaloo jira buug ku qoran siddeed af oo ay af-Soomaaliga iyo Iswiidhish la fududeeyey ka mid yihiin. Halkaan ayaad toos uga akhrisan kartaa qoraalkaas oo habka pdf ku qoran.
Boggag Internet iyo hay'ado kale
Iswiidhan waxaa ka jira 39 jaamicaddood iyo kulliyado ay ka socdaan waxbarashooyinka iyo cilmi-baaris oo toos ugu xiran bulshada. Waxaad halkaan ka heleysaa liiska cinwaanada jaamicadaha.Centrala studiestödsnämnden,CSN(Hay'addaa Qaranka ee Kaalmada Ardayda). CSN waxay mas'uul ka tahay oo wax ka qabataa kaalmada ardayda, waa amaahda iyo deeqda ardayda la siiyo.
Verket för högskoleservice, VHS (Hay'adda Hawlaha Tacliinta Sare). Hay'adda VHS waxay guddoontaa oo wax ka qabataa araajida waxbarashada jaamicadaha iyp kulliyadaha Iswiidhan.
Bogga Sweden.se wuxuu warbixino Iswiidhan ka hadleysa siiyaa ajnebiga Iswiidhan booqashada ku jooga. Boggu wuxuu ka kooban yahay warar, warbixino iyo akhbaar cusub oo ka hadleysa saadaasha cimilada, khariidaha iyo wax markaa dalka ka dhacaya.
Akhrista qoraalka pdf iyo dalbashada buuggagga
Haddaba, si ay kuugu suurtagasho inaad akhrisato qoraal pdf ku qoran, waxaad u baahan tahay barnaamijka Acrobat Reader. Waxaadna barnaamijkaas oo lacag-la'aan ah ka keensan kartaa bogga shirkadda Adobe.